Kenya: Aabbe iyo Wiilkii oo lagu eedeeyay gacansiinta Al-Qaacidda oo lagu riday xukun

Maxkamad ku taalla Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya  ayaa waxaa ay xabsi daa’in ku xukuntay Aabbe iyo wiilkiisa oo ay Maxkamadda ku heshay in ay taageereen Fasuul Cabdalla oo ka tirsanaa Al-Qaacidda.

Fasuul waxaa lagu dilay Soomaaliya,waxaase loo heystaa in uu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Saafaradda Mareykanka ee Kenya sanadkii 1998dii iyo weerarkii Hotel Paradise ee 2002dii ka dhacay Mombasa.

Weerarkaas waxaa ku geeriyooday dad tiradoodu gaareysay 219 qof,waxaana ku dhaawacmay boqolaal kale.

Maxkamadda Magaalada Mombasa ayaa Mahfudh Ashur Hemed iyo wiilkiisa  Ibrahim Mahfudh Ashur ku heshay in ay taageereen Fasuul, sidoo kalena gurigooda uu degay intii uu qorshaha weerradaas dejinayay.

Dacwad oogayaasha ayaa maxkamadda ka codsaday in xukunka ugu sarreeya lagu xukumo labada Nin.

Qareennada difaacayay Odayga iyo wiilkiisa ayaa sheegay in Odayga uu mas’uul ka yahay labo gabdhood oo yar yar kuwaas oo ay hooyadood dhimatay sidaas darteedna uu xukunka noqdo mid dhaqancelin ah ee uusan aargoosi noqon.

Mahfudh Ashur iyo wiilkiisa ayaa 11kii sano ee la soo dhaafay si joogta ah u tagayay maxkamadaha intii ay dacwaddooda socotay,qareennadooda ayaa codsaday in xukunka hadda ku dhacay uusan noqon mid xabsi ah hayeeshee loo oggolaado in ay koriyaan carruurta yar yar ee hooyadood ka dhimatay.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

37 mins ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

3 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

3 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

8 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

10 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

11 hours ago