Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo magacaabayo wakiilkiisa Soomaaliya.
Mr Antonio Guterres, ayaa waxaa uu sheegay uu tagayo Adis ababa halkaas oo uu kaga qeybgelayo shir madaxeedka Afrika,halkaas oo looga hadlayo qorsheyaal kala duwan oo quseeya Qaaradda Afrika.
Arrinta Soomaaliya ayuu Antonio Guterres, sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumarka dhinaca Dhaqaalaha ah.
Waxaa uu sheegay in caalamka uu ugu baaqayo in ay taageeraan horumarka ka jir Soomaaliya.
Xiriirka Qaramada Midoobey iyo Soomaaliya ayuu sheegay in uu rajo ka qabo in uu hagaago kaddib markii sanadkii la soo dhaafay Soomaaliya eriday Nicholas Haysom oo ahaa ergeygii hore ee Qaramada Midoobey u joogay Soomaaliya.
Dhawaan waxaa Muqdisho soo gaaray lataliyaha dhinaca arrimaha Siyaasadda ee Antonio Guterres, ayaa timid Muqdisho,waxaana ay kulan la qaadatay Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…