GUDAHA/wararka

Guddoomiye Muungaab “Xamar way ka gudubtay nabadgalyo-darro, Doorasho qof & Cod ah waxa aan ahayn nooma furna”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in Caasimadda ay kasoo kabatay dhibaatooyinkii ka dhex jiray muddo kahor, waxa uu bogaadiyay cid weliba oo qayb ka qaatay nabadda hadda ka jirta.

Muungaab ayaa sheegay in ay jiraan Dad uu ku sifeeyay in ay siyaasad ka dhex raadinayaan nabadgalyo darro  ka dhacda taasina aan dan u ahayn Dadka Caasimadda oo doonaya in ay codkooda siiyaan dadka ku metalaya siyaasadda sida uu hadalka u dhigay.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in alle looga mahadcelinayo nabadgalyada ka jirta Xamar, waxa uu si toos ah u shaaciyay in waddada keliya ee furan ay tahay Doorasho, ciddii is hubtana ay dadkooda codadka ka raadsadan sida uu yiri.

“Xamar waa nabad, way ka gudubtay Nabadgalyo-daro, dhabbaha keliya ee furan waa Doorasho qof iyo cod ah sida uu inoo sheegay hoggaamiyaheenna Dal-xoreeye, Xamar Fooriye way ka gudubtay, Madax jebin way ka gudubtay, alxamdulillaahi qarax ay ku dhintaan kun qof way ka gudubtay, waa in aan ilaalsanaa, ciddii siyaasad rabta waxa aan leenahay horumarkaan jira siyaasad ka dhex raadso” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Gen. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saaray hirgelinta Doorashada Dowladaha Hoose oo la filayo in ay ka billaabato Gobolka Banaadir 25ka Bishaan sida uu sheegay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, waxa ay ku baaqeen in la taageerro.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

8 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

10 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

11 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

16 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

18 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

18 hours ago