GUDAHA/wararka

Dad lacag badan ku bixiyay aragtida Messi oo Dowladda Hindiya ku eedeeyay in ay qiyaantay

Baraha Bulshada dalka Hindiya waxaa qabsaday arrinta la xiriirta safarka Ciyaaryahanka Xulka Argentine ee Lionnel Messi ku tagay Dalkaas iyada oo lacago badan dadka shuruud looga dhigay in ay ku arki karaan ciyaaryahankaan.

Dowladda Hindiya ayaa derajooyin kala duwan oo dhinaca dhaqaalaha ah saartay dadkaas doonaya, waxa ay qaybta gaarka ah dadka galaya shuruud uga dhigtay lacag dhan $12 Kun oo doollar halka dadka meelaha caadiga ah fadhiisanaya ay bixiyeen $100

Markii uu garoonka soo galay Messi waxa ay dadku isku diyaariyeen in ay arkaan oo dhexda soo istaago isla markaana halkaas kala hadlo dadkaan lacagaha ku bixiyay aragtidiisa balse ma dhicin sidii ay rajaynayeen maadaama waqti kooban kaddib garoonka laga saaray.

Maamulka Magaalada Kolkata ayaa ku dooday cabsi dhinaca nabadgalyadiisa darteed in ay uga saareen garoonka, waxyar kaddib waxaa gidaarka ka booday dadkii oo buuxiyay qaybta dhexe ee kubadda lagu dheelo, booliiska ayaa xakamayn waayay dadkaas oo aad u badnaa.

Arrinta layaabka leh ee aadka loo hadal hayo waa in mid kamid ah dadkaas oo sheegay in mushaharkiisa uu ku bixiyay aragtida Messi balse aanay dhicin in uu arko, waxa uu qaatay qayb kamid ah Roogga Garoonka isaga oo tilmaamay in uu dib u iibinayo si uu lacagtiisa u helo.

Wasiiru Dowlaha West Bengal oo kusoo daahay safarka socodka ee dhinaca waddada Garoonkaas ayaa sheegay in uu kamid noqday dadka aan arkin ciyaaryahan Messi, waxa uu watay Carruurtiisa si ay sawir wadajir ah ula galaan, markii uu garoonka tagay waxa uu ku arkay xaalad ka duwan wixii uu sawiranayay.

Dowladda Hindiya ayaa dhaqaale badan ka samaysay safarka Ciyaaryahanka ku guulaystay 48da Koob ee Lionnel Messi oo ku jira waayihiisii ugu dambeeyay ee Kubadda Cagta, waxaa u dhiman oo uu socod ku mari doonnaa Magaalooyin kale iyada oo aan la ogayn in ay ka duwanaan doonnaan Kolkata oo dadkeeda aanay arkin kana baxday lacago badan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

11 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

15 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

16 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

16 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

17 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

17 hours ago