GUDAHA/wararka

Malaayiin Muslimiin ah oo la sheegay in ay lumin karaan dhalashada Ingiriiska

Wargayska lagu magacaabo Middle East Eye ayaa warbixin uu qoray waxa uu ku sheegay in Malaayiin Muslimiin ah ay waayi karaan ama lumin karaan Dhalashada dalka Ingiriiska iyada oo Xukuumadda London ay qaadayso tallaabooyin kala duwan.

Warbixintaan cusub ayaa lagu sheegay in marka la eego awoodaha Xad-dhaafka ah ee qarsoodiga ah ee UK ay sababi karaan in la adkeeyo qaadashada dhalashada dalkaas, waxaa sidoo kale quus galaya dadkii horay u qaatay oo dhankooda culayska dareemaya.

Cilmi-baaris lagu soo ogaaday sahankaan lasoo bandhigay waxa uu culayska ugu badan korayaa dadka u dhashay dalalka Afrika, Koofurta Aasiya & Bariga Dhexe oo intooda badan Muslimiin ah, kuwaas oo Ingiriiska qaarkood sannado fog ay ku noolaa.

Dalalka dadkooda culayska korayo ee suuragalka ah in ay lumiyaan dhalashada labaad ee Ingiiriska ay ka haystaan waxaa kamid ah; Pakistan, Bangladesh, Soomaaliya, Nigeria iyo dalal kale oo dhaca Bariga Dhexe.

UK waxa ay leedahay Bulsho Muslimiin ah oo ballaaran kuwaas oo xitaa xilal kala duwan ka qabta Dowladda, waxa ay dadkaas astaan u yihiin sida ay ugu dhex nool yihiin Bulsho kala duwan oo ku nool dalkaas inkasta oo dusha laga saaro dambiyada qaar.

Maya Foa oo ka shaqaysa Hay’ad u doodda Xuquuqda Aadanaha ayaa walaac ka muujisay in Bulsho dhan 9 Milyan oo qof laga qaadi karo xuquuqdooda muwaadinnimo iyada oo taasi dalkaas ka dhigi doonta meel lagu faquuqo dadka ama lagu takooro.

Dhalashada oo ah xuquuq ayay ku sifaysay in aysan ahayn deeq ama haddiyad qofka la siiyo, waxa ay ka digtay in nidaamka heerka hoose lagu karkarinayo ee ka dhanka ah Bulshada Muslimiinta oo saamayn kara kuwa hadda jooga iyo jiilka Mustaqbalka.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

45 mins ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

52 mins ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

1 hour ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

13 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

15 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

15 hours ago