Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa weerar toos ah ku qaadatay Doorashada Dadban isaga oo sheegay in ay tahay mid ‘la isu addoonsado’ isla markaana ‘Bahdil’ ku dheehan.
Axmed Fiqi ayaa sheegay in ay jiraan Dad og dhibaatooyinkaas isaga oo aan shaacin magacyadooda, waxa uu ujeedka ay ka leeyihiin doorashadaas uu ku tilmaamay in ay ku jirto dano u gaar ah oo xitaa aan faa’iido u ahayn.
“Addoonsi haddii uu jiro qarniga 21aad waxa uu kusoo maraa dullinimada ay leedahay Doorashada Dadban, Bani aadam kugu dhow ayaad ku siganaysaa in aad u sujuutid, waxa aad ku dhawaanaysaa in aad isku dulaysid” Sidaasi waxaa yiri, Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi.
Waxa uu dhanka kale kahor yimid siyaasiyiinta Mucaaradka ee adeegsada ereyga ah ‘Xamar nabad ma ahan’ waxa uu ku sheegay in arrintaasi ay tahay mid nasiib darro ah oo ay isaga indhatirayaan nabadgalyada ka jirta Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…