GUDAHA/wararka

Beesha Caalamka oo Maamulka Jubbaland kala hadashay shirka lagu qabanayo Kismaayo

Wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo James Swan iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Jubbaland ayaa lagu sheegay in kulan looga hadlay xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya iyo sidii loo xallin lahaa tabashooyinka jira.

Axmed Madoobe ayaa warbixin siiyay Wafdigaan sare ee ka socda Qaramada Midoobay, si gaar ah isagoo uga hadlay shirka dhawaan ka dhici doona Magaalada Kismaayo ee ay yeelan doonaan Mucaaradka.

“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya, iyadoo la falanqeeyay caqabadaha taagan iyo fursadaha lagu xoojin karo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo shirka dhawaan ka dhici doona Magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri Bayaanka Jubbaland.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay xubnaha Mucaaradka ay wadeen qorshaha shir wayne looga hadlayo xaaladda guud ee dalka iyo khilaafka doorashada.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

11 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

14 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

15 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

15 hours ago