Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Cabdalla Cawad ayaa soo xiray kulankii Golaha ee maanta oo looga hadlayay lacagta Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay sheegeen in la musuq maasuqay.
Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Guddiga maaliyadda ee Golaha shacabka uu dul duleel ka muuqdo, sidoo kalena warbixinta iyaga oo aan soo marsiin Guddiyada joogtada ah iyo Guddoonka Golaha ay Baarlamaanka hor keeneen.
Mahad Cabdalla Cawad ayaa yiri “waana in uu isla xisaabtamaa dhexdiisa” ayuu yiri. “Waxaan raali-galin ka bixinaynaa in Golaha la keeno xeer ama howl aan lala wadaagin Guddiga Joogtada ah iyo Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana raali-galin ka bixinaynaa hadii qalad naga dhacay. Guddiga Maaliyadda, oo ah guddi aad u shaqa badan, waxaa ka yimid duleel, waxayna guddigu sheegeen in ay ku wada hadleen whatsapp-ka” ayuu yiri Cawad.
“Baarlamaanku masheegin in la lunsaday $40 milyan. Waxaan ka siinaynaa raali-galin shacabka iyo Wasaaradda Maaliyada, war-bixintaanna hab-raac sax ah lama soo marsiin. Xeerkaan halkaas ayaa looga gudbayaa, dib dambana looma keeni karo Golaha” ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad, oo sidoo kale sheegay inuu Kulanka Golaha Shacabku xiran yahay, kadib markii ay Xildhibaano ka tirsan Golaha ka cawdeen.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…