Maxaabiista lagu qabto dambiyada ayaa lagu xiraa Xaafadaha Magaalada Baladweyne kaddib markii Maamulka Gobolka Hiiraan uu sheegay in ay korortay faragalinta ay ku samaynayaan Odoyaasha dhaqanka Gobolkaas oo saldhigga kasii daaya marka qof lagu xiro.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed ayaa Odayaasha Dhaqanka uga digay in ay farageliyaan kiisaska yaalla Saldhigyada si baaris dhammaystiran loogu sameeyo loogana hortago dhibaatooyinka ay gaysanayaan kooxaha hubaysan.
Maxamed Xuseen ayaa intaas ku daray in Ciidamada ammanka amar buuxa la siiyay in ay gacan adag ku qabtaan qof weliba oo isku daya in uu ku farageliyo eedeysane ama dambiile ay qabteen in uu kasii daayo sida uu hadalka u dhigay.
“Dhibaatooyinka ugu waa weyn waxaa nagu hayo Odayaasha dhaqanka oo daba ordaayo marka qof la dilo, waxaa hadda maroonaa in aan Saldhigga Booliiska qof lagu xiri Karin oo Xaafadaha aan ku ilaalino, waxa aan leenahay innaga ayaa mas’uul ka ah amniga ee faraha kala baxa” Maxamed Xuseen Maxamed, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Dhanka kale, Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa soosaaray awaamiir ka dhan ah Hubka lagu dhex qaato Magaalada Baladweyne iyo ka ganacsiga maandooriya oo sal u ah dhibaatooyinka dilalka ka dhaca Magaaladaas sida uu hadalka u dhigay.
Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay dilal ay gaysteen kooxo hubaysan, ciidamo dheeraad ah oo sugaya nabadgalyada ayaa la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee Magaaladaas si loo qabto dadka hubaysan.
Mustaqbal
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…