Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa waxba kama jiraan ka dhigay natiijada Sirdoonka Dilkiisa uu sanadkii 2021 ku sheegay in dilkii Suxufiga caanka ahaa ee Jamaal Khaasugji uu ku lug lahaa Dhaxal-sugaha ahna Amiirka Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.
Trump oo Suxufiyiinta si adag ay u weydiiyeen arrinta suxufigaas maadaama uu Aqalka Cad kusoo dhaweynayay Maxamed Bin Salmaan waxa uu si aan ka gambasho lahayn u sheegay in uusan waxba ka ogayn dilkaas dhacay sanadkii 2018kii.
Donald Trump ayaa ah nin is baddel badan oo maalinba si u hadla una dhaqma waana tan keentay in hoggaamiyaan uu la kulmo eedeymo culus oo xisbigiisa dhexdiisa ah mar haddii uu caadaystay iska hor keenidda hadalladiisa iyo hay’adaha kala duwan ee dalkiisa.
“Dhaxal-sugaha waxba kama ogayn, Waxa aad sheegaysaa qof muran badan ka taagnaa, Dad badan ayaan jeclayn ninkaas aad ka hadlayso, haddii aad jeceshahay ama aanad jeclayn isaga, waxyaabuhu way dhacaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Maxamed Bin Salmaan waxaa bar-madow ku noqotay dilkii Turkiga loogu gaystay Suxufigii caanka ahaa ee Jamaal Khaashogji, inkasta oo mar uu la kulmay qoyskiisa isaga oo kala hadlay arrintaas balse ma dahaarmin raad-raadkaas oo weli muuqda.
Mustaqbal
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…