Guddoomiyaha golaha shacabka oo ku dhawaaqay in uu buray Mooshinkii kadhanka ahaa MW Farmaajo

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay in uu buray islamarkaana laga laabtay Mooshinkii kadhanka ahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, mooshinkan ayaa  92, xildhibaan oo kamid ah golaha shacabku waxa ay geeyeen xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka  9-December-2018.

Mursal ayaa dhowr sababood kusheegay in ay keeneen ka laabashada iyo buridda Mooshinkii kadhanka ahaa madaxweyne Farmaajo, waxaana sababahaas kamid ah

  1. 14 xildhibaan oo cabasho u gudbiyey guddoonka golaha shacabka iyaga oo sheegay in aanay saxiixin balse laga been abuurtay magacyadooda.
  2. In aanay weli dhismin Maxkamadda Dastuuriga oo eegi lahayd in eedeymaha kujiray Mooshinkan ay leeyihiin sal sharci ah islamarkaana ah maxkamadda Dastuuriga ah ee awoodda u leh in ay gasho arrintaas.
  3. In aanay Maxakamadda sare isu rogi karin  maxakamadda Dastuuriga ah
  4. iyo In aan go’aan si sharci ah looga gungaari karin eedeymaha ku xusan Mooshinkan iyada oo ay maqan tahay maxkamadda Dastuuriga

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris Ganey oo kamid ahaa xildhibaanada socodsiinayey Moohinkan ayaa u sheegay Mustaqbal in iyada oo loo turayo dalka iyo dadka la go’aansaday in Mooshinkaas laga noqdo.

Mooshinkan ayay dooddiisu taagnayd muddo kudhow laba todobaad waxaana kadhashay xasilooni la’aan siyaasadeed oo sababtay in howsha golaha shacabka ay istaagto ama ay qabsoomi waayaan fadhiyadii golaha shacabku.

Mustaqbal Radio.

General Editor

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

3 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

5 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

6 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

11 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

13 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

13 hours ago