Guddiga Maaliyadda ee G.Shacabka oo isku khilaafay warbixintii Wasaaradda Maaliyadda

Kulanka Golaha shacabka ee maanta ayaa inta badan looga doodayaa Warbixin Maaliyadeed ay dhawaan gudbiyeen Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka taas oo sheegeysay in lacago ka badan $40Milyan ay maqanyihiin.

Xildhibaan Cali Xoosh oo ka mid ah Guddiga Maaliyadda ayaa sheegay in Warbixintan aysan heysan waqti ku filan waxaana uu yiri  “War-bixintaan waa mid laga soo hormariyay waqtigeeda, waxaana la doonayaa in lagu carqaladeeyo shaqada quruxda badan ee Maaliyadda, waxayna dhabar jab ku tahay hankii laga lahaa cafinta daymaha Soomaaliya. Waxaan codsanaynaa in raali-galin laga bixiyo, cid saxiixdayna majirtoo waa been abuur”.

Dhinaca kale Xildhibaan  Cali Cabdi, oo ah Guddoomiyaha Guddiga maaliyadda ee Golaha shacabka ayaa eedeeyay Xildhibaannada duraya warbixintii ay soo saareen,waxaana uu yiri  “waxaan haynaa saxiixyada iyo sawiradii laga qaaday xildhibaanada, waana qalad in xildhibaanada qaarkood ay difaacaan Wasaaradda Maaliyadda. Xildhibaanada ayaan usoo gudbinaynaa qaladaadka jira”. Xildhibaan Cali waxa uu qabaa in xildhibaanada duraya war-bixinta ay laaluush qaateen.

Doodda Xildhibaannada ayaa wali socota,waxaana Xildhibaanno gaaraya 10 oo ka mid ah Golaha shacabka Guddoonka u gudbiyeen warqad cabasho ah oo ay ku sheegayaan in ay dhaliil u hayaan Warbixinta ay gudbiyeen Guddiga Maaliyadda ee sheegeysay lacagaha maqan.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

11 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

14 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

15 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

15 hours ago