Wasiirka Maaliyadad Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhaliil u jeediyay Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka oo uu ku eedeeyay in ay warqad u qoreen Warbaahinta.
Mr Bayle ayaa sheegay in lacagaha la isku heysto ee $50Milyan ee Sucuudiga soo dhiibay aysan ku dhicin Bangiga dhexe ee Soomaaliya ee ay ku dhacday Bangi ku yaalla Turkiga halkaasna laga maamulo,waxaa kale oo uu sheegay in ay hoos u dhacday lacagihii shaqaalaha,sidoo kalena aysan Imaaraadka lacag bixin.
Wasiir Beyle ayaa yiri: “” waxaan ka jawaabayaa eedeymaha faraha badan ee la ii soojeediyay. Dadka qaar ayaa qaba in 2 lagu daray 2 ay tahay 3, waana qalad. Waxaa la soo gudbiyay warqad dhaleeceyn ah, oo dhabarka ka jabinaysa dadka Soomaaliyeed. Waxaa dadaal weyn loo soo galay in aan bixino mushaarka ciidanka, waxaana dadaal weyn loo galay in aan ka gudubno lacagaha faraha badan ee ah deymaha na dhabar jabiyay. Waxaan ku shaqaynaa nidaam caalami ah, waxaana nagula xiray 14 qodob oo habeen waliba nagula yiraahdo. Guddigu waxay ahayd in ay anaga nala tashadaan intii ay warqad u qori lahaayeen war-baahinta, anagaa ku jirna ceelka guntiise e. Arintaan waxa ay nagu noqotay dhabar jab iyo in dib noola celiyo”.
Mar uu si gaar ah uga hadlayay lacagta $50 Milyan ah ayuu tiri “”su’aasha koobaad haddaan ka jawaabo lacagtii shaqaalaha ayaa hoos u dhacday. Shaqaalaha waxaa ka yimid 37 kun, Imaaraadkana lacag kama imaan. Sacuudiga waxaa ka yimid 50 milyan, kuma soo dhicin Bankiga Soomaaliya; waxay ku dhacday akoon ku yaala Turkiga, halkaas ayaana laga maamulaa, waxaana faahfaahin doona Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka”.
Doodda Xildhibaannada ayaa ah mid maanta aad u kulul,wixii ku soo kordha kala soco halkan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…