Sharikadda Google ayaa maanta u dabaal dageysa Sanadguurada 20aad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay.
Sharikadda wax soo saarkeeda u badanyahay baaritasta Internerka ee Google ayaa waxaa ay soo saartaa 7 nooc oo badeeco kala duwan ah,waxaana rukunkeeda billaha ah uu ka badan yahay hal Bilyan oo qoof.
Taariikhda rasmiga ah ee Google hawada soo gashay waxaa ka taagan dood ay qabaan kuwa Ganacsiga ku dhexjira,kuwaas oo aan iyaguna jawaan rasmi ah bixin Karin.
Sharikadda Google waxaa ay sheegtay in la sameeyay 4ta September,waxaana ay toban Sano ka hor u dabaaldegtay 27 September,taas oo shaki gelinsa waqtiga saxda ah ee sharikadda hawada la geliyay.
Google maanta waxaa ay leedahay tobanaan kun oo shaqaale ah,kuwaas oo kala jooga xarumaha kala duwan ee Caalamka,waxaana ay xafiisyo ku leedahay 60 Dal oo Caalamka ah.
Waxaa ay hadda qeyb ka tahay sharikadda Alphabet, oo la hirgeliyay sanadkii 2015kii,waxaase Bisha September si guud ugu dabaaldagtaa dhalashadeeda sharikadda Google.
Hadda waxaa Google hoggaamiya Sundar Pichai,waxaa sharikadda baarista ay sidoo kale leedahay Youtube,intii uu ninkan hoggaaminayay waxaa sare u kacay dakhliga Sharikaddan 23%, oo u dhiganta $23.3 Bilyan oo dollar afartii bilood ee ugu horreysay 2018.
Sharikadda Wadaayga la ah Google ee Alphabet ayaa sheegtay in dakhligeeda uu kordhay islamarkaana gaaray $26.24 Bilyan oo dollar afartii bilood eek u ekeyd 30kii June 2018.
Warbixin lagu qoray Website-ka Google ayaa lagu sheegay in la sii horumarinayo sharikadda islamakraana la jebinayo sohdimaha iyada oo lagu dhaqaaqayo Tegnoljiyadda,waxaana hadda xoogga la saarayaa Robotyada.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…