Madaxweynaha Somaliya oo mar 2aad booqanaya Asmara

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in ay mar 2aad booqasho ku tagaan Dalka Eritrea,waxaana markan uu Madaxweynaha dhexdhexaadinayaan Dowladaha Jabuuti iyo Eritrea.

Wafddi horudhac u ahaa safarka Madaxweynaha ee Asmara oo uu ka mid ahaa Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa xalay laga soo celiyay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaddib markii diyaaradda ay xilli Habeen ah gashay Hawada Dalka Kenya.

Ujeedada safarka Madaxweyne Farmaajo ee Asmara ayaa la sheegayaa in uu la xiriiro sidii Soomaaliya u dhex dhexaadin lahayd dalalka Jabuuti iyo Eritrea,Jabuutina loogu soo celin lahaa dhulka iyo Maxaabiista kaga maqan dalka Eritrea.

Xubnaha ka midka ah Wafdiga Madaxweynaha ee tagaya Asmara waxaa ka mid aha Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi oo xiriir dhow la leh dalka Eritrea,kaas oo xubin kahaa Isbaheysigii Asmara lagu dhisay ee ka dhanka ahaa Ciidamadii Itoobiya ee Soomaaliya soo galay 2006dii.

Wafddiga horudhaca ah ee xalay laga soo celiyay Nairobi ayaa la filayaa in ay mar kale dib u amba baxaan sida ay ugu sii gogol xaaraan safarka Madaxweyne  Farmaajo ee Asmara.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tagi doona Dalka Eritrea marka uu ka soo laabto safarka uu hadda ugu maqanyahay Dalka China.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tagi doona Magalada Adis ababa ee Dalka Itoobiya halkaas oo isaga iyo Ismaaciil Cumar Geelle ay uga qeybgeli doonaan shir lagu heshiisiinayo Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

6 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

8 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

11 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

11 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

13 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

13 hours ago