Lamu: Shan Iskuul oo loo xiray cabsi laga qabo Al-shabab

Iyada oo XIlli wax barashadeedka cusub ee 2018/2019 uu guud ahaan Todobaadkan ka billowday Caalamka oo dhan ayaa waxaa dalka Kenya gaar ahaan Gobolka Lamu ka taagan cabsi laga qabo Al-shabaab.

Shan ka mid ah Dugsiyada Gobolka Lamu ee Kenya ayaan wali la furin kaddib markii Barayaashii ay diideen in ay Iskuulladaas ka shaqeeyaan iyaga oo ka baqaya weerarrada AL-shabaab.

Dugsiyada xiran waxaa ay kalayihiin,Basuba, Milimani, Mangai, Mararani iyo  Kiangwe oo dhamaantood ku yaalla Gobolka Lamu,waxaana ay u xiranyihiin Macallin la’aan ka dhalatay weerarrada Al-shabaab.

Dugsiyadan ayaa xirmay sanadkii 2015kii,markaas oo Al-shabaab ay geysteen weerarro dhowr ah,Barayaashii ayaana isaga kala cararay Gobolka.

Xilligaas Kenya ayaa billoowday howlgalka ay ugu magacab dartay Linda Boni,kaas oo aysan waxba ka soo kordhin.

Maamulka Lamu ayaa isku dayay in  260Ardeyda oo ka mid ah Ardeyda Dugsiyda ka xiranyihiin u wareejiyaan Galbeedka Lamu hayeeshee ma dhicin.

Ururka Macallimiinta Kenya ee TSC ayaa 2015 ilaa 2016kii la baxay 16 Macallin oo ka mid ahaa kuwa degaanka wax ka dhigayay,waxaana ay sheegeen in Macallimiinta ay naftooda halis ku jirto.

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

12 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

15 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

16 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

16 hours ago