Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sanad u kordhiyay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loosoo gaabiyo AUSSOM, waxa uu ku simanaa dhammaadka bishaan waxaana la gaarsiiyay 31ka December sanadka soo socda 2026.
Codaynta kaddib, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo jeediyay in la taageero howlgalka Midowga Afrika oo wajahaya duruufo dhinaca dhaqaalaha ah si loo xaqiijiyo ujeedka ciidankaan ay u joogaan Soomaaliya oo ah adkaynta amniga.
Intaas kaddib, Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa u mahadceliyay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee waqtiga cusub siiyay, waxaana uu ka rajeeyay Beesha Caalamka in ay taageerro la garab istaagto.
“AUSSOM waxay soo dhawaynaysaa go’aanka loo dhan yahay ee Golaha Ammaanka ee QM uu ku cusboonaysiiyay waajibaadka Hawlgalka tan iyo 31 Disembar 2026. Go’aankan ayaa mar kale xaqiijinaya sida beesha caalamka ay uga tahay Nabadda, Xasilloonida iyo Amniga Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay AUSSOM.
“AUSSOM waxaa ka go’an inay si buuxdo u hirgeliso waajibaadkan cusub oo dan u ah Soomaaliya iyo Geeska Afrika” sidaasi waxaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka kasoo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Mustaqbal
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…