GUDAHA/wararka

Maraykanka oo 18 sano kaddib jaray lacagtii uu ku bixinayay Ciidamada Afrika ee jooga Soomaaliya

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa go’aan qaraar ku qaatay in uu hakiyo lacagta uu ku bixiyo ciidamada sugaya amniga Soomaaliya ee Midowga Afrika ka socda isla markaana fasaxa ka haysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Maraykanka ayaa muddo 18 sano ah oo kasoo billaabanaysa sanadkii 2007dii oo horraantii sanadkaan Soomaaliya la keenay ciidankii ugu horreeyay ee AMISOM bixinayay lacagaha qaaraanka ee Golaha Ammaanka uu siiyo askartaan & Dalalkooda.

Diblumaasi sare oo katirsan Howlgalka Maraykanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Washington in Lacago badan ay ku bixisay Amniga Soomaali, sidaas oo ay tahay ugu danbayn ay qaadatay go’aankaan dhaqaale joojinta ah.

Waxaa albaabada la isugu dhufanayaa Xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay uuna ku shaqayanay James Swan marka la gaaro Bisha Oktoobar sanadka soo socda 2026 maadaama uu ku xirnaa dhaqaalaha Maraykanka ee bixiyo.

Xafiiskaan waxa uu fududeynayay howlaha kala duwan ee ka socda Soomaaliya sida garab istaagga ciidamada Midowga Afrika, Siyaasadda Dalka iyo in uu Qaramada Midoobay marweliba oo laga hadlayo Xaaladda Soomaaliya la wadaago xogaha uu hayo.

Donald Trump ayaa horay u joojiyay Kaalmada Maraykanka uu siinayay waqti dheer Hay’ado kala duwan oo hoostaga Qaramada Midoobay sida tan Caafimaadka ee loosoo gaabiyo WHO oo uu ku bixinayay in ka badan 70% lacagta ku baxda.

Haddaba, Go’aanka Maraykanka uu ku joojiyay kaalmada uu siinayo ciidamada AUSSOM ee jooga Soomaaliya, ma saamayn kartaa joogitaankooda Mustaqbalka?

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

11 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

14 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

15 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

16 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

16 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

16 hours ago