GUDAHA/wararka

Shan Xaqiiqo oo ku saabsan Doorashada Khamiista

Muqdisho waxaa berri ka dhacaysa Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay ku loolamayaan 20 urur Siyaasadeed oo ku kala badan Tirada Musharrixiinta, Degmooyinka ay ka tartamayaan, Kuraasta ay raadinayaan & Shan qodob oo diiwaanka galaya.

Ugu horrayn waxa aan diiradda saaraynaa Shanta qodob ee ugu muhiimsan ee laga barayo ama laga diiwaangelinayo Doorashadaas berri ka dhacaysa Magaalada Muqdisho oo indhuhu ay haatan kuwada jeedaan, waxa ay kala yihiin:-

1-Waxaa la qaban doonaa doorashada golaha deegaanka oo kaliya, lama qaban doona doorashada golaha caasimadda & tan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

2-Urur Siyaasadeedka Caddaaladda & Wadajirka ee JSP ayaa ah Ururka kaliya ee dhammeystiray dhammaan Musharraxiinta Degmooyinka oo gaaraya 390 Musharrax.

3-Yaaqshiid ayaa noqotay Degmada ugu badan ay ka sharraxan yihiin musharraxiinta ugu badan, waxaana ka sharraxan 132 musharrax, halka Heliwaa ay noqotay Degmada ugu yar, waxaa ka sharraxan 87 Musharrax.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyey ee Magaalada Muqdisho ka hirgaliya doorashada golaha deegaanka 58 sanno ka dib.

5-Dhaqaalaha doorashada ku baxaya oo markii ugu horreysay dowladda bixinayso 100%, iyada oo aysan taageero maaliyadeed ka helayinin beesha caalamka oo bixin jirtay lacagihii lagu qabtay Doorashooyinkii dalka ka dhacay.

Jaantuska guud ee doorashada:-

Shanta Degmo ay ka sharaxan yihiin musharraxiinta ugu badan;

Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ah 20 Degmo waxa uu Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka asteeyay in ay Doorashadaan ka dhacdo 16 kamid ah, Shanta Degmo ee ugu musharrixiinta badan ayaa kala ah:-

1-Yaashiid: 132 Musharrax

2-Hodan: 127 Musharrax

3-Dharkiiley: 119

4-Wadajir: 113 Musharrax

5-Hawlwadaag: 105

Shant Xisbi ee musharraxiinta ugu badan ay ka sharaxanyihiin:-

Xisbiga talada haatan haya ee Caddaaladda iyo Wadajirka ee loosoo gaabiyo JSP ayaa haysta musharrixiinta ugu badan, waxaa ku xiga Karaama, Ramaas, Towfiiq iyo Sincad oo ah kan ugu musharrixiinta yar, waxa ay kala wataan musharrixiinta hoos ku qoran

1-JSP: 390 musharrax

2-Karaama: 230 Musharrax

3-Ramaas: 215 Musharrax

4-Towfiiq: 222 Musharrax

5-Sincad: 217 Musharrax

Waxaa shalay soo idlaaday Ololaha Doorashada Ururrada Siyaasadda oo ka kooban 20 Urur, maanta waa ay nasanayaan halka berri ay dhacayso codaynta ay ku kala calaf qaadanayaan iyada oo maalmo la sugayo natiijada codbixintaas.

 

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

4 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

7 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

8 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

9 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

9 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

9 hours ago