Halyeeygii hore ee Barcelona ahna agaaasimaha ciyaaraha Erik Abidal ayaa kooxda Barcelona ku cadaadinaya in ay laso wareegaan da’yarka reer France ee Rabiot.
Heshiiska xiddiga ayaa dhamaan doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda kadib markii ay dalab miiska u saareen.
Xilli ay fooda inagu soo hayso maalintii ugu dambaysay ee suuqa kala iibsiga wax walba ayaa dhici kara kooxda Barcelona-na waxa ay diyaar la tahay 50 milyan oo euro si ay u hesho xiddiga.
Lacagta ayaa ah mid aad u badan marka loo eego in uu xiddigu bilo kadib si xor ah uga tagi karo kooxda Laakiin Barcelona ayaa sidoo kale u dhaqaaqi karta adeegiisa suuqa Janaury taas oo ku heli karta lacag fudud.
PSG ayaa diidan in ay fasaxdo waliba xiddigaha ugu muhiimsan kana iibiso koox ay isaga hor iman karaan Champions League, Rabiot ayaa ciyaari kara wareega Bog baxa hadii uu Barcelona ku biiro suuqa January kooxda PSG-na u ciyaaro wareega Group-yada kadib markii wax laga badalay xeerarka tartanka.
Wakhtigii la soo dhaafay kooxda Barcelona ayaa ku fashilantay in ay xiddigo badan kala soo saxiixato kuwaas oo ay ka mid yihiin Thiago Silva, Marco Verratti, Marquinhos & Angel Di Maria.
Si kasta ha ahaatee Abidal ayaa markan aaminsan ha dhawaato ama ha dheeraatee in ay kooxda PSG ku qancin doonaan in ay helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Rabiot.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…