Weerar dhinaca Cirka ah ayaa xalay ka dhacay degaanka Goodirley oo 10KM u jirta Degmada Xarradheere ee Gobolka Mudug.

Duqeyntan oo ilaa hadda khasaaraha ka dhashay aan la shaacin ayaa waxaa ay dhacday xalay xilligii dhexe,waxaana dadka degaanka ay sheegayaan in duqeyntaasi ay maqleen.

Mareykanka ayaa dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay duqeyn ka geystay Gobolka Mudug iyo qeybo ka mid ah Koofurta Dalka.

Duqeyn uu Mareykanka sheegtay mas’uuliyaddeeda todobaadkii la soo dhaafay waxaa uu Mareykanka ku sheegay in uu ku dilay 50 ka mid ah Ciidamada AL-shabaab.

Waa weerarkii 34aad ee uu sanadkan 2018 Mareykanka ka geysto Soomaaliya,waxaa uu ka badan yahay weerarradii sanadkii ka horreeyay ee 2017kii uu Mareykanka ka geystay Soomaaliya kuwaas oo gaarayay 33 Weerar.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

6 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

9 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

10 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

11 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

11 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

12 hours ago