Murankaan ayaa soo jiitamayay tan iyo sanadkii 2015-kii, Saraakiil katirsan Ciidamada Cirka Soomaaliya ayaa warqad dacwo ah u qoray Guddiga Kheyraatka Qaranka u qaabilsan Golaha Aqalka sare.
Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya Generaal Maxamuud Sheekh Cali (Dable-Beyloot) ayaa sheegay in Dhulkaan ay u baahan yihiin Ciidamada balse ay ka maqan tahay gacantooda.
Waxa uu tilmaamay in shirkado gaar loo leeyahay ay maamulaan oo dano gaar ah ku qabsadaan.
Shirkadahaan ayaa lagu wareejiyay sanadkii 2015-kii, waxaana dacwad ka dhan ah xiligaas loo gudbiyay Ra’iisul Wasaarihii Waqtigaas Cumar Cabdirashiid, isaga oo laalay heshiiskaas.
Dhammaadkii waqtigii Xukumadii Sharma’arke oo ku beegneed 2016-kii ayaa shirkadahaas loo ogolaaday in ay isticmaalaan dhulkaas sida uu sheegay Senator Ilyaas Cali Xasan oo ah Gudoomiyaha Guddiga Kheyraatka Qaranka iyo kaabayaasha Dhaqaalaha.
Waa uu sii hadlay waxa uuna sheegay in 10-kii July sanadkaan taliska Ciidanka Cirka ay u gudbiyeen dacwadda dhulkaan iyaga oo sheegaya in ay u baahan yihiin.
(Halkaan ka dhageyso Codka Senator Ilyaas).
Gen. Maxamuud Sheekh Cali (Dable-Beyloot) ayaa dhankiisa sheegay in Xerada oo dhan ay ku shaqeystaan Shirkado isugu jiro Soomaali iyo Ajaanib, isaga oo soo jeediyay in dhulka lagu celiyo Gacanta Danta guud oo ay dib u helaan Ciidamada Cirka Soomaaliya.
(Codka Dable-Bayloot).
Dhul badan oo ay laheyd dowladdii Dhexe ee Soomaaliya waxaa degen Shirkado iyo Shaqsiyaad ka dhigtay Hoy, goobaha qaar ayaa laga saaray dadkii degenaa, waxaana wali jira dhul ka maqan Hay’adihii ku shaqeyn jiray oo qaarkood laga dhistay Goobo Ganacsi iyo warshado.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…