Dhakhtar Siiriyaan ah oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax lagula eegtay Muqdisho.

Waxaa goordhow magaalada Muqdihso ku geeriyooday DR Muhanad Cali Axmed oo ah Dhakhtar u dhashay dalka Syria, kaasoo ku dhaawacmay qarax gaari loogu xiray oo ka dhacay degmada Hodan.

DR Muhanad Cali Axmed oo ahaa qofka ugu daran ee dhaawaca xoogan gaaray, ayaa maalmahanba xaaladiisa lagula tacaalayay Isbitaalka weyn ee Digfeer, halkaasoo maqribnimadii Caawa uu ku geeriyooda.

Qaar kamid ah Dhakhaatiirta Isbitaalka Muqdisho City oo uu ka shaqeynayay, ayaa Idaacadda Mustaqbal u sheegay in marxuumka geeriyooday, iyagoo sheegay inuu kamid ahaa Dhakhaatiirta loogu jecelyahay Isbitaalka.

Waxaa sidoo kale xaaladooda Caafimaad ay soo hagaageysa Dhakhtar kale oo Syrian ah iyo laba Somali ah, kuwaasoo dhaawcayo fudud ay ka soo gaareen qaraxa gaarigooda loogu xiray xili ay sii galayeen Isbitaalka oo ku yaala dalcada C/Qaasim ee Xaafada Taleex.

Dhakhaatiirtan, ayaa xiliga uu qaraxa qabsnayay oo eheyd 21-kii bishan, waxa ay ka yimaadeen garoon lagu ciyaaro kubbada cagta oo lagu magacaabo JOBKEY, kaasoo ku yaala meel aan ka fogeyn Isbitaalka Muqdisho City.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

4 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

7 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

8 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

9 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

9 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

10 hours ago