Golaha Wasiirada Oo War Ka Soo Saaray Burburinta Ciidanka Kenya Ee Xarumaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay dhibaatada ciidanka Kenya ay ku hayaan Xarumaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, hawlaha muhiimka ah ee sannadkaan la doonayo in la qabto iyo hab-raaca heshiisyada Caalamiga ah.

Shirka ayaa ugu horayn looga hadlay hal-beegyada afarta tubood ku jira ee wasiirradu ay ballan qaadeen in ay fulinayaan sannadkaan 2019, waxaana golohu isku raacay in sannadkaan uu noqdo sannad shaqooyin badan la qabto isla xisaabtankana la dardar-geliyo.

Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo teknoologiyadda XFS, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, ayaa intaa kadib goloha wasiirrada war bixin ka siiyay xaruma ay leedahay shirkadda Isgaaarsiinta Hormuud oo ay burburiyeen ciidanka Kenya.

Golaha ayaa isku raacay in dhibaatada xarumaha la gaarsiiyay looga hadlo kulan ay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ku yeelanayaan magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Shirka golaha ayaa ugu dambayn dood dheer looga yeeshay hab-raaca heshiisyada caalamiga ah oo golaha uu usoo gudbiyay garyaqaanka guud ee dawladda.

Mustaqbal media

Recent Posts

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

2 hours ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

6 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

8 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

10 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

10 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

10 hours ago