Dagaal xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa booliska ay ku leeyihiin aagga Shaleemo Cabdi Waayeel ee degmada Hilliwaa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in wax ku dhaw 20 daqiiqo uu socday iska horimaadkan, islamarkaana uu jiro khasaare kala duwan, Dagaalka ayaa ku bilowday bambaano lagu tuuray Ciidanka, waxaana xiga dagaal fool ka fool ah.

Ciidamo kale oo ka tirsan booliska Somaliya oo gurmad ahaan ugu socday ciidanka weerarka lagu soo qaaday ayaa iyana miino lagula eegtay meel ku dhaw goobta uu weerarka ka dhacay.

Waxaa la sheegay in qaraxaasi miinada ah ay ku dhaawacmay Taliyaha degmada Hiliwaa Khaliif Shiine, Sidoo kale waxaa geeriyooday laba kamid ah ilaaladiisa kuwaasi oo la socday gaari Cabdi Bille ah.

Mid ka mid ah ilaalada Taliyaha ee weerarka lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Jibriil Axmed Shaarib.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya goobta uu weerarka ka dhacay ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada ay wadaan baaritaan ay ku raadinayaan raggii weerarka soo qaaday.

Mustaqbal media

Recent Posts

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

32 mins ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

1 hour ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

2 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

2 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

3 hours ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

20 hours ago