WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Codeynta doorashada oo ka socota dalka Uganda, xilli Madaxweyne Museveni wajahayo tartan adag

Waxaa maanta oo khamiis ah dalka Uganda si rasmi ah uga bilaabatay codbixinta doorashada guud ee wadankaasi, iyadoo madaxweyne Yoweri Museveni doonayo in la doorto markii lixaad.

Goobaha codbixinta ayaa furmay 7 dii subaxnimo ee waqtiga Kambala, iyadoo ay codeynayaan in ka badan 21.6 milyan oo qof.

Dadka ugu badan ee codkooda dhiibanaya waa dhalnyarro, iyadoo la tilmaamo in 70 % dadka Uganda da’dooda ka yartahay 35 sano.

Dowladda ayaa gabi ahaanba xirtay Internateka si looga hortago rabshadaha laga cabsida qabo in ay sameeyaan taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ku ah Madaxweyne Museveni oo xukanka haya in ka badan 40 sano.

Doorashadan ayaa loo arkaa mid ka mid ah kuwii ugu adkaa ee soo mara Uganda, iyadoo Madaxweyne Museveni uu wajahayo tartan adag oo uga imaanaya Xildhibaan Bobi Wine, kaas oo taageero ballaaran ka haysta dhalinyarada.

Natiijooyinka horudhaca ah ee doorashada ayaa la filayaa inay soo baxaan goor dambe oo maanta ah, sida ay sheegeen Guddiga Doorashooyinka dalkaasi.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

1 hour ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

5 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

6 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

7 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

7 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

7 hours ago