GUDAHA/wararka

Ra’iisul wasaare Xamse iyo wafdi sare oo ku wajahan Laascaanood.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa la filayaa filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Laascaanood ee caasimadda Dowlad goboleedka Waqooyi Bari.

Qaban qaabada soo dhaweynta wafdigaan sare ayaa ka socota Laascaanood, iyadoo la adkeeyay amniga guud ee magaalada.

Ujeedka safarka Ra’iisul wasaare Xamse iyo Wafdigiisa ayaa ah in la xoojiyo midnimad dalka, xilli dowladda wado dadaallo looga hortagayo aqoonsiga Israa’iil sheegtay in ay siisay Somaliland.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in magaalada Laascaanood lagu qabto munaasabadda caleemo saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Firdhiye.

Magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale waxaa maalinta sabtida ku wajahan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

6 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

9 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

10 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

11 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

11 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

11 hours ago