Xilli maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay qorshe dowladda Soomaaliya ku aas aaseyso ciidamo si toos ah u hoos yimaada oo ku sugan deegaannada Puntland ayaa waxaa magaalada Laascaanood saacadihii la soo dhaafay gaarey askar qeyb ah askartaasi oo sugi doona Amniga Caasimadda Dowlad goboleedka Waqooyi Bari.
Askartan ayaa waxaa duleedka Laascaanood ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Firdhiye, isagoo tilmaamay in ay yimaadeen dhulkooda, isla markaasna ay isku diyaariyaan sugida amniga, iyagoo tillaabo ka qaadaya cid kasta lid ku ah Amniga.
“Waxaad u taagan tihiin in aad nabad galyada sugtaan, ciidanka aad ka tirsan ee Xoogga dalka iyo walaalahiina Waqooyi Bari waa in aad is kaashi muujisaan, waxaa tihiin dadkii xoreeyay Laascaanood” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiqaadir Firdhiye.
Dhinaca kale, War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xusay in Ciidan ka tirsan Xoogga Dalka oo uu hoggaaminayo Jeneraal Jimcaale gaareen magaalada Magaalada Laascaanood.
Askarta ayaa qeyb ka noqon doona sugida Amniga martida ku sugan Laascaanood oo ay qeyb ka yihiin Madaxda Sare ee dalka sida Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Xamae Cabdi Barre.
Magaalada Laascaanood ayaa martigelin doonta munaasabadda caleemasaarka Madaxweynaha iyo maamulka Dawlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…