Magaalada El-Fasher ee ku taalla Waqooyiga Darfur ayaa mar kale waxaa ka qarxay dagaal culus, kaddib markii ciidanka RSF ay sheegeen inay qabsadeen xarunta guud ee ciidamada dowladda Suudaan.
RSF ayaa war ay soo dhigtay baraha bulshada ku sheegtay inay bur-buriyeen gaadiid dagaal oo waaweyn isla markaana la wareegeen hub iyo agab milatari oo yaallay xarunta Guutada 6-aad ee El-Fasher.
Qabsashada xaruntan ayaa ah dhirbaaxo culus oo ku dhacday ciidamada dowladda, maadaama El-Fasher ay ahayd goobtii ugu dambeysay ee ay gacanta ku hayeen gobolka Darfur, taas oo hadda ka dhigtay RSF inay si buuxda u maamusho aagga.
Ciidanka dowladda weli kama aysan hadlin arrintan, halka magaalada 18 bilood ku jirtay go’doon, ay dagaalladu ku xanibeen ku dhawaad 300,000 oo qof.
Mustaqbal
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…