Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo 77 jir ah, ayaa markii lixaad u tartamaya doorashada madaxtinimada ee dhici doonta sanadka 2026.
Geelle, oo xilka haya tan iyo sanadkii 1999, ayaa ah hoggaamiyaha ugu muddada dheer ee dalkaasi soo maro tan iyo madaxbannaanidii Jabuuti.
Dastuurka Jabuuti ayaa hore u dhigayay in qofka madaxweynenimada haya aanu u tartami karin xilka haddii uu dhaafo 75 sano, balse hadda qoddobkaasi ayaa meesha laga saarey, sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Dileita Maxamed Dileita, oo u warramay wakaaladda wararka ee AFP.
Geelle ayaa bishii Maay wareysi uu siiyay The Africa Report ku sheegay inuusan weli gaarin go’aan kama dambays ah, balse uu dalkiisa uu la doonayo horumar.
Jabuuti oo ay ku nool yihiin hal milyan oo qof ayaa ah goob istaraatiiji ah maadaama ay ku yaallaan saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin dalalka Mareykanka, Faransiiska iyo Shiinaha
Mustaqbal
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…