Taliyaha ciidanka booliska Somaliyed General Bashiir Cabdi Maxamed ayaa wuxuu sheegay inay xabsiga dhigeen Shan askari oo magacyo iyo Darajooyin kala duwan mushaar uga qaadan jiray ciidanka booliska iyo kuwa xoogga dalka.
Wuxuu sheegay soo qabashada raggan inay ka dambeysay kadib baaritaan muddo dheer lagu hayay.
Taliyaha booliska ayaa sheegay in askartan la horgeyn doono sharciga, islamarkaana lagu qaadi doono talaabo walba oo sharciga uu ku ciqaabo.
Sidoo kale General Bashiir ayaa wuxuu sheegay inay baaris ku sameyn doonaa shaqaalaha dowladda ee iyaguna ku kaca falalka nuucaan oo kale ah.
“Waxaan gacanta ku dhignay Shan askari oo laba mushaar ka qaadan jiray ciidamada booliska iyo kuwa xoogga dalka, waxaan horgeyn doonaa sharciga, sidoo kale shaqaalaha dowladda ee falalka nuucaan oo kalw ku kaca ayaan baarid ku sameyn doonaa”. ayuu yiri taliyaha booliska.
Talaabadani ayaa waxa ay soo dadejineysaa in gacanta lagu soo dhigo ciidan badan oo meelo kala duwan ka diiwaangashan, kuwaasi oo damacooda uu yahay inay laba mushaar qaataan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…