Gaari siday walxaha qarxa oo lagu qabtay Cabudwaaq.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa, sida ay ku soo warameen Saraakiisha amaanka qaabilsan.

Gaariga, ayaa lagu qabtay Kontoroolka laga soo galo magaalada, Waxaana xogtiisa biixyay Shacabka ku dhaqan Cabudwaaq oo shaki muujiyay gaariga iyo dadkii watayba.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in sidoo kale xabsiga la dhigay shaqsiyaadkii watay gaariga, Kuwaasoo laamaha amaanka ay weydiinayaan halka lagu waday waxyaabahan qarxa ee gaariga ka buuxay.

Saraakiisha amniga iyo maamulka Cabduwaaq, ayaa la filayaa in Saacadaha soo socdo ay faahfaahin dheerada ah ka bixiyaan xogta ay ka heleen dadka gaariga watay ee gacanta lagu hayo.

Mustaqbal media

Recent Posts

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

14 mins ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

29 mins ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

1 hour ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

15 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

17 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

20 hours ago