Kenya oo ka hadashay dib u dhaca ku yimid duulimaadyadii Muqdisho iyo Nairobe ee Kenya Airways.

Waxaa dib u dhac ku yimid duulimaad Khamiistii ay diyaarada Kenya Airways ka bilaabi laheyd magaalada Muqdisho iyo magaalada Nairobi ee caasimada kenya,ilaa iyo 5-ta bisha 12-aad ee December ee soo socota.

War saxaafadeed khamiisii uu soo saaray agaasimaha shirkadan mr Sebastian Mikosz ayaa xaqiijiyay in aysan bilaabi doonin howlahooda soomaaliya ilaa iyo inta ay ka dhameestirayaan waxyaabaha u dhiman.

Mr Mikosz ayaa macaamiisha diyaaradan Kenya Airweys waxaa uu u xaqiijiyay in aysan suura gal noqon karin in duulimaadkooda la filayay ay bilaabaan balse safarkooda ugu horeeya ay bilaabi doonan bisha soo socota.

Dib u dhaca arintaan ayaa waxaa uu ku sheegay diyaaradaha dheeraadka ah ee laga doonayo iyo ogolaanshiyaha safarkaan iyo waxyaabaha muhiim ah ee laga doonayo oo wali la dhameestirin,balse ugu danbeyn sida ugu wanaagsan ay ku dhameestiri doonan.

Diyaaradan Kenya Airways ayaa maalin kasta 7:40 am aroornimo ka soo bixi doonta Nairobi iyadoo muqdisho soo caga dhigan doonta 9:55 am subaxnimo.

Garoonka aden cade ayaa iyadana waxay dib uga kici doontaa 10:45-barqanimo iyadoo magaalada Nairobi ay ka caga dhigan doonta 1-duhurnimo.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

11 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

13 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

16 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

18 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

19 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

20 hours ago