Booliska Kenya oo Haweeney 65 jir ahayd ku dilay Mandheera.

Booliska Dalka Kenya ayaa Magaalada Mandheera ku toogtay Haweeney da’ ahayd oo ka mid ahayd dadka degaanka.

Haweeneydan ayaa waxaa toogtay sarkaal ka mid ah Booliska,waxaana dilkeeda kaddib dadka degaanka ay sameeyeen rabashado iyaga oo Taliska Booliska iyo maamulka Mandheera ka codsaday in  sarkaalka dilka geystay sharciga la horkeeno.

Dilkeeda ayaa ka dhacay xaafadda Rhama, waxaana guddoomiyaha urur u dhaq dhaqaaqa dadka degaanka uu xafiiska dacwad oogaha guud u gudbiyay dacwad ka dhan ah Booliska Kenya oo uu ku eedeeyay in ay si joogta ah oo sharci darro ah u laayaan dadka Gobolka Soomaalida.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya ayaa xaqiijiyay in ay soo gaartay dacwaddaas iyo cabashada ka dhanka ah Ciidanka amaanka islamarkaana ay baaritaan rasmi ah ku sameynayaan.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

10 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

12 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

13 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

17 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

20 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

20 hours ago