Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee ku sugan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa toogtay todobo qof oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.
Lixda qof ayaa ka mid ahaa sagaal qof oo ay Ciidamada amaanka ku hayeen xabsi ku yaalla Baardheere,waxaan saraakiisha Ciidanka ay sheegeen in iyaga oo aan maxkamad marsiin ay Raggaasi toogteen iyaga oo fulinaya go’aan dhawaan ka soo baxay Taliska Milatariga iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Dadka la toogtay ayaa kala ah; Saleebaan Maxamed Sheekh, Maxamuud Maxamed Buule, Maxamed Cabdi Cali, Maxamed Yuusuf Isaaq, Aadan Carabeey Xalane iyo Maadeey Xaaji Macalin
Saraakiisha amaanka ayaa ku waramay in 5 Bil ay soo socotay Kiiskan raggan, kuwaasoo ugu danbeyntii Tiirka la geeyay Isniintii Shalay.
Faarax Maxamed Turbac oo ah Taliyaha Ururka 49aad ee Miltariga Soomaaliya ayaa sheegay in amarka Raggaasi ay ku toogteen uu isugu jiro qiraalkooda ah in ay 14 qof ku dileen Baardheere iyo in dhawaan Madaxda Federaalka ay amar ku bixiyeen in Al-shabaab Maxkamaddooda tahay halka lagu qabto sida uu yiri.
Ma jirin xukun Maxkamadeed oo ay mareen lixda qof ee Ciidamada dowladda ku eedeeyeen in ay ka tirsanaayeen AL-shabaab kuna dileen Baardheere.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…