Maxamed-Nasir Guuleed Xasan Taliyaha Booliska Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland oo ka hadlayay Tababar loosoo gaba-gabeeyay Ciidamo katirsan Booliiska Maamulkaas ayaa dalbaday in la dhiso Xerada ciidankaas lagu tababaro.
Dhaqaalaha Qaramada Midoobe iyo AMISOM ay hayaan ayuu ugu baaqay in ay galiyaan dhismaha Dugsigaan oo muhiim u ah Booliiska Jubbaland.
Ciidamada Booliiska waxa uu tilmaamay in kaalin muuqato ay ku leeyihiin sugidda ammaanka, sidaa awgeed loo baahan yahay in la dhiso Xeryo lagu tababaro si ay u kordhaan sida uu hadalka u dhigay.
Macalimiin ka socda AMISOM ayaa tababar siiya Ciidamada Maamulka Jubbaland oo loo badalayo Booliis, qorshaha ayaa ah in ay Ammaanka dalka kala wareegeen Ciidamada Militariga ah ee Midowga Afrika ka socda.
Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Caqabada ugu weyn ee ka heysata dhismaha Ciidamada Booliiska ay tahay in Xeryo gaar ah oo qalabeysan aan jirin, balse Saraakiisha AMISOM ay ku tababaraan Saldhigyadooda.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…