War ka soo baxay Hay’adaha amaanka Dalka Kenya ayaa looga digay Isbitaallada ku yaalla degaannada kala ah Lamu, Tana River, iyo Garissa in ay daweeyaan dadka ka tirsan AL-shabab ee ku dhaawacma dagaalka ay kula jiraan Ciidanka Kenya.
Agaasimaha howlgalka Keynta Booni Joseph Kanyiri,ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan in Isbitaallada qaar ay dabiibaan dhaacyada Al-shabaab.
Waxaa uu sheegay in dagaal Khamiistii dhexmaray Ciidanka Kenya iyo Al-shabab dadkii ku dhaawacmay ay dawo ka raadinayaan Isbitaallada degaanka.
Joseph Kanyiri,ayaa sheegay in Ciidamo isugu jira Boolis,Sirdoon dharcad ah iyo kuwo kaleba laga sameeyay degaanka,kuwaas oo la soconaya dhaq dhaqaaqa dadka dhaawaca ah ee Al-shabaab ee la geynayo Isbitaallada degaankaas.
Dadka ayuu ka codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada Kenya ee howlgalka ka wada Keynta Booni lagu magacaabo.
Dagaalkii Isniintii Al-shabaab iyo Ciidanka Kenya aaya guulo ka kala sheegtay,Kenya waxaa ay xustay in 10 ka mid ah Al-shabaab dishay, 7 Qori oo AK47 ahna ka furteen.
Al-shabaab ayaa dhinacooda sheegay in ay dileen 10 ka mid ah Ciidanka Kenya sidoo kalena qabteen saddex Askari oo nool.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…