Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta lagu dhaariyay Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.
Xildhibaannada maanta la dhaariyay oo gaaraya 66 Xildhibaan,ayaa waxaa ay dhaarintooda kaddib doorteen Guddoomiye Ku meel gaar ah.
Xildhibaan Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye ayaa loo doortay Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Maamulka Puntland oo dhawaan dooranaya Guddoomiye rasmi ah.
Baarlamaanka Puntland 65 Xubnood oo ka mid ah waa Rag, halka ay hal xubin ka tahay Gabar taas oo lagu magacaabo Nimco Cabdi Aarshe.
Baarlamaanka 5aad ee Puntland ayaa noqday midka ay ku biiraan Haweenka ugu yar tan iyo aas aaskii Puntland sanadkii 1998ddii.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…