Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

10-ka dhacdo ee ugu waa weynaa kubada cagta sanadkii tagay 2018.

Warbixintaan waxaan ku eegi donna dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee ka dhacay ciyaaraha sanadkii tagay 2018.

1-Arsena Winger oo ka tagay Arsenal.

Arsen Wenger, Tababarihii hore ee Arsenal

20 Abriil 2018 ayeey aheyd markii lagu dhawaaqay in 22-sano kadib Arsenal oo ka tagay Tababare Arsena Wenger.

2-C.ronaldo oo ka tagay Real Madrid.

C.ronaldo oo ku biiray Juventus

JULY 10, 2018 ayuu si rasmi C.ronaldo uga tagay kooxda Real Madrid oo uu joogay 9-kiisano ee ugu dambeeyay 100-milyan ayuuna Juventus ugu wareegay.

3-France oo ku guleysatay Koobka Aduunka.

France oo ku guuleysatay Koobkii Aduunka

July 15 2018 xulka qaranka France ayaa ku guuleystay koobkii aduunka ee sanadkan lagu qabtay dalka Rusia.

4-Luko Modric oo ku guuleystay Ballon d’Or.

Modric oo ku guuleystay Abaalmarinta Ballon D’or

25 Sebtembar 2018 10-sano ka dib Abaalmarinta Ballon D’or waxaa ku guuleystay kabtanka xulka Croatia iyo kooxda Real Madrid Luko Modric.

5-Jose Morinho oo laga eryay shaqada Man United.

Jose Morinho oo laga eryay Man United

18 Disembar 2018 ayaa ugu dambeyn Jose Morinho laga eryay kooxda Man United ka dib hoos u dhac ku yimid kooxda United.

6- Vichai Srivaddhanaprabha oo shil diyaaradeed ku geeriyooday.

Waa milkiilaha Liester oo Shilka diyaaradeed ku geeriyooday

29/Oct/2018 ayuu milkiilaha Liester City ku geeriyooday shil diyaaradeed oo uu ku galay banaanka hore ee garoonka King Power.

7-Roma oo soo laabasho layaab leh ku sameeysay Barcelona.

Roma oo 3-0 ku garaacday Barcelona

Apr 10, 2018 ayeey aheyd markii kooxda Roma ay soo laabasho layaab leh ku sameeysay kooxda Barcelona oo marki ku aheyd garoonka Olompico ciyaar kuso dhamaatay 3-0 oo Barcelona lagu suuldaaray.

8-Zinade oo ka tagay Real Madrid.

Zidane Tababarihii hore ee Real Madrid oo ka tagay Real Madrid

31 Maajo 2018 Zinedine Zidane ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu isaga tagayo kooxdiisa.

Zinedine Zidane ayaa loo magacaabay tababaraha kooxda Real Madrid bishii Janaayo ee 2016, wuxuuna u gacan galiyay kooxda 3-mar oo xiriir ah koobka horyaalada yurub.

9-Real Madrid oo ku guuleysatay markii sadaxaad oo xiriir ah Champions League-ga.

Real Madrid oo ku guuleysatay Champions League-ga

May 26, 2018. Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobka Champions League markii seddaxaad oo xariir ah kadib markii ay guul kagareen dhigooda Liverpool  ciyaar ku dhamaatay  3-1.

10- Didier Deschamps oo ku guuleystay macallinka sanadka ee FIFA The Best.

Tababaraha xulka France oo ku guuleystay Macalinka Sanadka

September 24, 2018 Macallinka xulka qaranka Faransiiska ee Didier Deschamps ayaa ku guuleystay abaal-marinta tababaraha sanadka ee FIFA The Best.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

3 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

4 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

7 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

7 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

7 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

19 hours ago