AMISOM iyo Miltariga Somaliya oo billaabaya howlgal ka dhan ah Al-shabaab

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalk ah ee Soomaaliya ay billaabi doonaan Howlgal lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro dalka.

David Muhoozi, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamad Difaaca Dalka Uganda todobaadkanna booqasho ku yimid Muqdisho ayaa kulan la qaatay madaxda ugu sarreysa AMISOM iyo Saraakiisha Ciidamada.

Waxa uu Taliye David Muhoozi sheegay in howlgalkan oo isku dhaf ah lagu doonayo in AL-shabaab looga saaro Soomaaliya sidoo kalena lagu tijaabiyo awoodda Ciidamada Soomaaliya ee ay AMISOM ku dooneyso in Amaanka Dalka ay ku wareejiso marka la gaaro 2020ka.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya sidoo kalena ah madaxa howlgalka AMISOM Francisco Caetano Madeira, ayaa sheegay in ujeeddada howlgalkan wadajirka ah uu yahay in AL-shabaab laga saaro magaalooyin iyo degaanno ay heysato, in la dhimo baraha Canshuuraha ay ku qaaddo Al-shabab iyo dowladda Federaalka ah loo sahlo sidii ay u maamuli lahayd dhul ballaaran oo ka mid ah Soomaaliya.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

4 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

8 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

8 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

9 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

9 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

10 hours ago