16; Haween kakaaliyayaal caafimaad ah oo mar qura uur wada qaaday!,Sawirro

16; kalkaaliyayaal Caafimaad ah oo ka shaqeeya Isbitaalka Banner Desert Medical Centre ee Gobolka Arizona ee dalka Mareykanka ayaa Uur wada qaaday,taas oo ka yaabisay saaxiibadooda kale ee Isbitaalka

Rochelle Sherman, oo ka mid ah Gabdhahaas ayaa sheegtay in aysan qorsheyn arrintan oo ay si caadi ah u dhacday,waxaana ay ku kaftantay in ay biyo wada cabeen.

“ma rumeysanin arrintan,waxaa ay u ekeyd sida inaan heshiis galnay,waxaan sameynay Group Facebook ah,halkaas oo aan ku sheekeysannay,isna weydiinnay imisa ayaa uur leh,sidaas ayeyna ku timid”.

Kalkaaliyayaasha Uurka leh oo lagu sawiray goob lagu casuumay.

Gabadha ugu horreysa waxaa ay dhali doontaa billowga Bisha September ee soo socota halka midda ugu dambeysana ay dhali doonto Bisha January ee Sanadka cusub ee 2019ka.

Maamulka Isbitaalka ayaa arrintan aad wal wal uga muujiyay sababta oo ah qof kasta oo ka mid ah Haweenka Isbitaalka ka shaqeeya waxaa ay leedahay 12 todobaad oo fasax naas nuujin ah,waxaana halkaas ka dhalan karta baahi shaqaale yari la xiriirta.

Sawir Wadareed laga qaaday Kalkaaliyayaasha Uurka leh.

Isbitaalka oo dhiirro gelinaya Gabdhahan ayaa midkasta guddoonsiiyay haddiyad u gaar ah oo ay ku qorantahay “Naso, hooyadey waa Banner Nurse!”.

Sidoo kale maamulka Isbitaalka ayaa billaabay in 16ka kalkaaliye uu geeyo Maqaayadaha ay ka helaan si loogu muujiyo niyad wanaag,waxaa kale oo intaas dheer in shaqaalaha kale ee Isbitaalka ay buuxiyaan shaqooyinka ku adag kalkaaliyayaasha uurka leh.

Isha: U report

Mustaqbal media

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

17 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

18 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

18 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

20 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

20 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

22 hours ago