GUDAHA/wararka

Yaa ku guulaysan kara Abaalmarinta Ballon D’or?

Waxaa Caawa Magaalada Paris caasimadda Faransiiska ka dhacaysa xafladda lagu bixinayo Abaalmarinta Ballon d’Or 2025, waxaaka qaybgalaya ciyaartoy, Madax kooxeed, Ciyaaryahanno hore iyo marti kale oo lagu casuumay munaasabaddaan.

Inkasta oo sanadkaan la adkeeyay in lasii gudbiyo xogta guulaysta si uu isugu diyaariyo waxaa hadda la saadaalinayaa in uu ugu cadcad yahay Osmane Dembele oo u dhashay Faransiiska isla markaana kooxda PSG kula guulaystay Champions League.

Sidoo kale waxaa jira ciyaartoy kale sida Lamine Yamal, Kylian Mbappe, Mohamed Salah, Raphinha & kuwo kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciyaartoyda Kooxda Real Madrid aanay ka qaybgali doonnin xafladda sabab la xiriirta in aanay dhankooda jiran abaalmarinta.

Shakabadda French Magazine ayaa bixisa Abaalamrintaan, ujeedka waa in la aqoonsado ciyaaryahanka ugu wanaagsanaa sanadkii tagay ee Qaaradda Yurub iyada oo lagu qiimaynayo Goolasha uu dhaliyay, koobabka uu qaaday & kuwa meel wanaagsan gaarsiiyay.

Abaalmarinta ayaa Rag iyo Dumar leh, waxaa sidoo kale lasoo bandhigi doonnaa waxqabadka guulaysta, codaynta la sameeyay natiijada uu ku guulaystay iyada oo lagu casuumayo halyeey caan ah in uu soo qabto Magaca ciyaaryahanka guulaystay.

La soco natiijada kasoo baxda

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

12 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

15 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

16 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

16 hours ago