Hay’adda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u qaabilsan Maamulka Baraha Bulshada ayaa soosaartay amar culus oo si gaar ah ugu socda dadka caanka, waxa ay ka mamnuucday in sawirrada Carruurtooda iyo Muuqaallada noloshooda la xiriira.
Waxa ay Hay’addu sheegtay in ay la xisaabtami doonto cid weliba oo ku dhaqaaqda arrintaas maadaama la xadiyay xogaha hoose ee qoysaska dadkaan caanka ah oo kahor imaanaya nolosha reerahaas sida hadalka loo dhigay.
“Waxaa reeban sawirrada Carruurta & tan Maalin laha ah ee gaarka ah, arrimaha qoyska iyo waxyaabaha kale ee ku hareeraysan ayaa ka mamnuuc ah in lasoo dhigo Baraha Bulshada” Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Hay’adda Sacuudiga u maamusha Baraha Bulshada.
Sacuudiga oo isbaddel culus ku dhacay qodobo markii hore ay adkeed in dad badan ay ku dhiiradaan waxa ay haatan noqdeen kuwo xargaha goystay isla markaana dib loogu celinayo xayiraaddii horay u saarnayd.
Dhaxal-sugaha Sacuudiga ahna Amiirka Dalkaas Maxamed Bin Salmaan ayaa horay u baabi’iyay qodobadii adkaa ee Awooweyaashiis ku xadidayeen dalkiisa, waxa ay taasi dhalisay in dadku ay si indho la’aan ah ugu daataan Baraha Bulshada.
Xeendaabka uu wareejiyay Maxamed Bin Salmaan waxaa kamid ah in ay Dumarku Kaxayn karaan Gawaarida oo horay mamnuuc uga ahaa Dalkaas, in Muxram la’aan socon karto Haweeneyda, Ajaanibta oo Madax daboolnayn in ay socon karaan & kuwo kale.
Mustaqbal
Ka dib xilka qaadistii MW Xasan Sheekh ee Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf ayaa ka…
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Sacuudi Carabiya ka dalbatay lacag dhan 51 bilyan oo dollar, iyagoo…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Xoogga Dalka gaar ahaan guutada…
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda…
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in Wasiir Axmed Macalin Fiqi…
Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil ayaa si rasmi ah u ansixiyey natiijada doorashadii baarlamaanka ee…