GUDAHA/wararka

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay ka hortaga faragalinta Shisheeye

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in Wasiir Axmed Macalin Fiqi uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Sarreeye Guud Sabahattin Kılınç, Taliyaha Taliska Istiraatiijiyadeed ee Wadajirka Caalamiga ah ee Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira amniga iyo difaaca gaar ahaan sidiii loo fulin lahaa heshiisyadii ay hore u gaareen labada dowladood.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta dagaalka AS iyo ka hortaga waxa loogu yeero faragalinta Shisheeye.

Wasiir Fiqi ayaa Sarreeye Guud Sabahattin uga mahadceliyay taageerada Militeri ee ay siiyaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan taageerada dhinaca Duqeymaha.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli Turkiga iyo Soomaaliya ay leeyihiin xiriir diblumaasiyadeed oo dhow, iyadoo magaalada Muqdisho ay yaallaan Diyaaradaha casriga ah ee F-16.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Baashe Yuusuf oo ka horyimid xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Ka dib xilka qaadistii MW Xasan Sheekh ee Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf ayaa ka…

5 hours ago

Xuutiyiinta Yemen oo Sacuudi Carabiya ka dalbaday $51 bilyan si ay uga joojiyaan weerarrada

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Sacuudi Carabiya ka dalbatay lacag dhan 51 bilyan oo dollar, iyagoo…

11 hours ago

Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Gorgor oo la dajiyay duleedka degmada Baraawe

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Xoogga Dalka gaar ahaan guutada…

13 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda…

14 hours ago

Netanyahu oo si rasmi ah u lumiyey aqlabiyaddii uu ku lahaa doorashada Israa’iil.

Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil ayaa si rasmi ah u ansixiyey natiijada doorashadii baarlamaanka ee…

1 day ago

Liibaan Axmed Xasan oo si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Galmudug

Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-Goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay…

1 day ago