Xisbiga muddada dheer Muxaafidka ahaa ee Kulmiye ayaa billaabay shirar la xiriira sidii uu wax uga baran lahaa guuldarradii kasoo gaartay doorashadii ka dhacday Somaliland, waxa uu dib u eegis ku wadaa waxyaabihii u keenay guuldarradaasi.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Maxamed Kaahir Axmed ayaa kulan wadatashi ah isugu yeeray xubnaha heerarka kala duwan ee Xisbigaas si loo oddoroso waxna looga barto guuldarrada bannaan-joogga ka dhigtay.
Kulmiye ayaa ku ballamay in uu qaado olole xooggan oo ka dhan ah Xisbiga talada haya ee Waddani oo qudhiisa billaabay in uu sameeyo kulamo uu ku sal adkaynayo awoodda maamul uu la wareegay ee Somaliland.
Meelaha Xisbiga Kulmiye eegayo waxaa kamid ah, Diiwaangelinta codbixiyaasha oo ah halka uu dhibaatada ka dhaxlay Xisbigaas, waxa uu rabaa in Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro culays ku saaro sidii loo hubin lahaa hannaanka lagu diiwaangelinayo Dadka codaynaya.
Mustaqbal
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…