GUDAHA/wararka

DFS oo dalka dib ugu soo celisay 173 ruux oo laga soo daayay Xabsiyada Liibiya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 173 ruux oo u badan Dhallinyaro kuwaas oo ku xirnaa Xabsiyada ku yaalla Liibiya, mas’uuliyiin kala darajo duwan ayaa kusoo dhaweysay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Soo qaadista dhallinyaradaan waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gacansiiyay Midowga Yurub & Hay’adda Socdaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan ee IOM, waxaa ka horreeyay dufcooyin kale oo dalka dib loogu soo celiyay waqtiyo kala fog.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Labaad ee Dalka, mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo madax ka socotay Xafiiska Ergayga gaarka ah Madaxweynaha JFS u qaabilsan soocelinta muhaajiriinta iyo xuquuqda Carruurta ayaa goobta ku sugnaa.

22 kamid ah Dadka lasoo celiyay waxaa laga dejiyay Magaalada Hargaysa, halka 151 kale lagu reebay Magaalada Muqdisho, Hay’adda Socdaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan ee loosoo gaabiyo IOM ayaa bogaadisay tallaabadaan.

Inta badan dhallinyarada Tahriibka u aadda Dalka Liibiya waxa ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan iyada oo ehelkooda laga qaato lacago madax-furasho ah, waxaa intaas u dheer halista badda ay marayaan oo suuragal ah in ay naftooda ku waayaan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

4 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

5 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

8 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

8 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

8 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

20 hours ago