Xiisad ka dhalatay Khilaafka u dhexeeya Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo duqa magaalada oo ka taagan Baladweyn.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyn, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagantahay xiisad ka dhalatay shaqa joojin lagu sameeyay Saddxe kamid ah masuuliyiinta magaalada.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Yuusuf Dabageed, ayaa shaqo joojin ku sameeyay  duqa magaalada Beledweyne Cali Cabdulqaadir Faarax, xoghayaha Dowlada Hoose Cabdixakiin Maxamuud Xasan iyo Agaasimaha Dhul Bixinta Xuseen Maxamed Fiidow.

Masuuliyiintan, ayuu ku eedeeyay iney lunsadeen Hanti-Dadweyne, taasoo loogu talagalay Shacabka ku dhaqan Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dabageed oo sidoo kale Ciidamada amar siiyay, ayaa xabsiga loo taxaabay xoghayaha Dowlada Hoose Cabdixakiin Maxamuud Xasan iyo Agaasimaha Dhul Bixinta Xuseen Maxamed Fiidow, Iyadoo uu xariga iska diiday duqa magaalada Cali Cabdulqaadir Faarax.

Yuusuf dabageed oo Saxaafada la hadlay, ayaa sheegay in sharciga cid aksta uu qabanayo ragan ayuu tilmaamay in loo xiray sida Madaxda, xabsigana aan laga soo deyn karin ilaa amar danbe.

Hlakan Ka Dhageyso Codka Yuusuf Dabageed:

Duqa Magaalada Baladweyn oo iska diiday in xabsiga la dhigo, ayuu dabageed amray in isaga tilaabo adag laga qaado, maadaama uu iska diiday in xabsiga la dhigo.

Hadaba waxaan sidoo kale wareysanay Duqa magaalada Baladweyn ee la sheegay in shaqa Joojin lagu sameeyay eedaha la xirira hanti lunsashada darteed.

Duqa magaalada Cali Cabdulqaadir Faarax, ayaa Mustaqbal u sheegay in cida shaqada ka joojin karta ay tahay oo kaliya Wasaarada arrimaha gudaha Hirshabelle oo markeedii hore soo magacwday.

Halkan ka Dhageyso Wareysiga Duqa magaalada Baladweyn:

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

2 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

6 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

6 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

7 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

7 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

8 hours ago