Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Xidiga iyo Tababaraha bisha horyaalka Premier League oo la bixiyay.

Xiriirka kubada cagta England ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqay abaalmarinta xiddigii iyo tababarihii ugu fiicnaa ee bishii August kadib markii bishii ugu horaysay la ciyaaray horyaalka premier League.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Lucas Moura ayaa ku guulaystay xiddigii ugu fiicnaa ee horyaalka premier League bishii August.

Moura ayaa dhaliyay 3 gool bishii August isaga oo 2 gool ka dhaliyay kooxda Man United kulankii ay Tottenham Old Trafford ku ciqaabtay kooxda Man United ugana badisay 3/0.

Goolka kale ee uu Moura dhaliyay ayey ka dhaliyay kooxda Fulhma kulankii 2-aad ee horyaalka premier League xilli uu haatan ka mid noqday xiddigaha ugu fiican kooxda Tottenham.

Laacibka  reer Brazil ayaa abaalmarintan ku garaacay xiddig kale oo 6 ah oo ka socday kooxaha kale ee premier League kuwaas oo kala ah Marcos Alonso,Neil Etheridge, Sadio Mane,Benjamin Mendy,Roberto Pereyra Iyo Virgil van Dijk

Dhanka kale Tababaraha kooxda Watford ee Javier Gracia ayaa abaalmarinta Tababaraha ugu fiican ku guulaystay kadib markii uu kooxdiisa si lama filaan ah ugu hogaamiyay 4 guulood oo xiriir ah.

Tababarahan ayaa abaalmarintan ku garaacay tababarayaal waaweyn oo magac leh waxaana ka mid ah Jurgen Klopp,Mauricio Pochettino iyo Maurizio Sarri.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah

Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…

8 hours ago

Uganda oo shaacisay in dalkaasi uusan ka jirin cudurka Ebola

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…

9 hours ago

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…

10 hours ago

Wadahadalka Dowladda & Mucaaradka oo dib u billaabanaya

Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…

13 hours ago

Wasiir Al-Cadaala “Amniga Puntland waxaa mas’uul ka ah dowladda Soomaaliya.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…

14 hours ago

Hindiya oo Soomaaliya ku wareejinaya Maxaabiis ku xukuman Xabsi daa’in

Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…

14 hours ago