GUDAHA/wararka

Xaaska & Carruurta Hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya oo nolol adag ku wajahaya Ingiriiska

Xaaska & saddex carruur uu dhalay Hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya, Cabdulqaadir Muumin oo la rumaysan yahay in uu ku dhuumanayo Buuraha Gobolka Bari ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa la sheegay in ay wajahayaan Nolol adag.

Muna Cabdulle oo haysata dhalashada Dalalka Ingiriiska & Soomaaliya ayaa Hoggaamiye Cabdulqaadir Muumin u dhashay Saddex Caruur oo kala ah Wiil 20  jir ah iyo labo gabdhood oo da’doodu tahay 18 & 17 sano, waxaana ay ku nool yihiin Magaalada Slough ee Dalka UK.

Muumin & Qoyskiisa waa ay kala dhantaalmeen sanadihii u dambeeyay maadaama madaxiisa lacago badan la dul-dhigay uuna hoggaaminayo urur si wayn loo raadsado sida lagu xusay maqaal dheer oo lagu daabacay The Daily Mail ee dalka Ingiriiska kasoo baxay.

Hoggaamiyahaan waxa uu astaan ilqabad ah ku yahay Gar Cas, Ilo yaryar oo cad & jirkiisa oo dhuuban, waxa uu hoggaamiyaa koox lagu sheegay in ay gaarayso 1,200 oo qof fadhigoodu yahay Buuraha Gobolka Bari.

Marwada Cabdulqaadir Muumin ayaa ku doodday in Seygeeda uu ka tagay iyada oo Carruurteeda oo da’doodu ka yar tahay 5 sano, sanadkii 2010 ayuu isaga huleelay Boqortooyada Ingiriiska isaga oo wixii ka dambeeyay xiligaas dhowr jeer la weeraray balse ka badbaaday.

“Waxa uu iga tagay aniga oo leh saddex oo dhammaantood da’ ahaan ka yar 5 sano, ma ahan wax sahlan, xitaa ma uusan ii sheegin meesha uu aadayo, in ka badan 10 sano ma aanan arag, wax xiriir ah lama lihin aniga & carruurteyda, Way garanayaan Carruurtu qofka uu yahay” ayay tiri Xaaska Hoggaamiyaha Daacishta Soomaalida oo lagu magacaabo Muna Cabdulle.

Marwo Muna Cabdulle oo ah 43 jir waxa ay sheegtay in gebi ahaan noloshoodu isbaddeshay, hal mar ayay Soomaaliya u tageen in ay arkaan hoggaamiyahaan balse waxa uu u sheegay in wax weliba isbaddeleen sida ay hadalka u dhigtay.

Qoysaska dadka la raadinayo ayaa dhibaatooyin kala kulma bulshooyinka kala duwan iyo dalalka ay ku nool yihiin, sababta waa in lagu tuhmayo xiriirka iyo xogta laga heli karo qofkaas la doon-doonayo waana tan keentay in indhaha sirdoonka qarsoon ay daba socdaan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

5 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

9 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

10 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

11 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

11 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

11 hours ago