GUDAHA/wararka

Macallin Mahdi “Dhulka dab-damiska waxaa lahaa Booliiska oo dhisanaya”

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Gaashaanle sare Mahdi Cumar Muumin oo maanta Warbaahinta kula hadlay Xarunta Dab-damiska oo Dadkii horay looga raray ay sheegeen in Dad gaar ah la siiyay, waxa uu warkaas ku tilmaamay mid been abuur ah.

Macallin Mahdi ayaa tilmaamay in dhulkaas laga dhisayo xarun lagu dayactiro Gaadiidka Booliiska, Jaamacad uu leeyahay Isbitaalka Madiina iyo Dab-damiska oo dhammaan Booliiska hoostagaya sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in dhulkaas la siiyay Ganacsato isaga oo intaas ku daray in dowladda dadkii degenaa ay uga saartay baahi loo qabo welina ay taagan tahay arrintaas sida uu yiri macallin Mahdi, taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir.

“Dhulka Dab-damiska, Booliiska ayaa lahaa oo dhisanaya, waa kutire-kuteen in Ganacsato la siiyay, Waxaa laga dhisayaa Xarun lagu dayactiro Gaadiidka Booliiska, Jaamacadda Isbitaalka Madiino & Dab-damiska” Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Macallin Mahdi Cumar Muumin.

Dhanka kale, waxa uu digniin u diray Dad uu sheegay in ay ka shaqaynayaan warar u horseedi kara in ay Maxkamad ku tagaan, waxa uu carrabta ku dhuftay in sarkaalkii ama askarigii Warbaahinta la wadaago wax aan sharciga waafaqsan, isaga oo dhinac dhinacay in uu lamid yahay Shacabka sida uu warka u dhigay.

“Shacabka waxba kama duwana Sarkaalka inta Warbaahinta soo istaaga oo ka hadlo, sharciga ayaa la waafajinaa, dhul awalba Dowlad lahayd oo hadda la rabo in waddooyin la mariyo oo la qurxiyo uu rabo cowshaddii & amni darradii sidii uu ku degenaado rabo cid ka yeeleyso ma lahan” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay, Taliye Macallin Mahdi.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…

10 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isbeddel ku sameeyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…

10 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo maanta degmada Ceelbarde kula la wareegtay 220 Askari

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool kula la wareegtay 220 Askari oo…

13 hours ago

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay howlgallo Militeri ka billaawday Koofur Galbeed

Ciidamada Militeriga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka wada…

15 hours ago

Maxay ka dhigan tahay in Shirkadaha Korontada ay sameeyaan qiimo kordhin?

Shirkadaha Korontada ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in ay kordhiyeen qiimaha ay ku dhuftaan…

18 hours ago

Nuxurka Khudbadda Deni uu ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada DG Puntland

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo furay kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas ayaa…

20 hours ago