GUDAHA/wararka

Macallin Mahdi “Dhulka dab-damiska waxaa lahaa Booliiska oo dhisanaya”

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Gaashaanle sare Mahdi Cumar Muumin oo maanta Warbaahinta kula hadlay Xarunta Dab-damiska oo Dadkii horay looga raray ay sheegeen in Dad gaar ah la siiyay, waxa uu warkaas ku tilmaamay mid been abuur ah.

Macallin Mahdi ayaa tilmaamay in dhulkaas laga dhisayo xarun lagu dayactiro Gaadiidka Booliiska, Jaamacad uu leeyahay Isbitaalka Madiina iyo Dab-damiska oo dhammaan Booliiska hoostagaya sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in dhulkaas la siiyay Ganacsato isaga oo intaas ku daray in dowladda dadkii degenaa ay uga saartay baahi loo qabo welina ay taagan tahay arrintaas sida uu yiri macallin Mahdi, taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir.

Dhulka Dab-damiska, Booliiska ayaa lahaa oo dhisanaya, waa kutire-kuteen in Ganacsato la siiyay, Waxaa laga dhisayaa Xarun lagu dayactiro Gaadiidka Booliiska, Jaamacadda Isbitaalka Madiino & Dab-damiska” Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Macallin Mahdi Cumar Muumin.

Dhanka kale, waxa uu digniin u diray Dad uu sheegay in ay ka shaqaynayaan warar u horseedi kara in ay Maxkamad ku tagaan, waxa uu carrabta ku dhuftay in sarkaalkii ama askarigii Warbaahinta la wadaago wax aan sharciga waafaqsan, isaga oo dhinac dhinacay in uu lamid yahay Shacabka sida uu warka u dhigay.

“Shacabka waxba kama duwana Sarkaalka inta Warbaahinta soo istaaga oo ka hadlo, sharciga ayaa la waafajinaa, dhul awalba Dowlad lahayd oo hadda la rabo in waddooyin la mariyo oo la qurxiyo uu rabo cowshaddii & amni darradii sidii uu ku degenaado rabo cid ka yeeleyso ma lahan” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay, Taliye Macallin Mahdi.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

2 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

6 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

7 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

8 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

8 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

8 hours ago